Fanaankii Soomaaliyeed ee Cumar Cabdulle oo loo yaqaanay Shooli ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda waddanka Soomaaliya.

Muddooyinkii ugu danbeeyay waxa uu fanaanku ku xanuusanayay cisbitaal ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo uu u jiifay xanuunka macaanka loo yaqaano. Mar waraysi laga qaaday sanadkii hore ayuu sheegay in aan la daryeelin xaaladiisa caafimaad oo aan lasiinin mudnaantii uu u qalmayay.

Cumar Shooli AHU waxa uu ku dhashay magaalada Afgooye ee ogoblka Shabeelada Hoose, waxaana da’diisa hadaa lagu qiyaasay in sideetan sanno ay wax u dheeraayeen. Fanaanka ayaa ka tisanaan jiray kooxdii caanka ahayd ee Waaberi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga