Dawladda eritrea ayaa qayb ahaan xidhay isusocodka xadka ay la wadaagto dalka ay ka go’day ee ethiopia, kadib markii labadan dal ee colaadu sanadaha badan dhextalay ay heshiiyeen sanadkan sii dhamaanya.

Kumanaan qof ayaa iskaga gudbay xadka tan iyo markii la furay, xadka ayaa xidhnaa mddo gaadhaysa labaatan sanno, taas oo qoysas badan kala kaxaysay.

Xadka ayaa la furay bishii september, markaas oo labada dal ay sheegeen in ay ciidmada isku horfadhiyay xadka ay kala Qaadayaan, ayna soo afjarayaan cadaawada ka dhaxaysay.

Wali ma cada sababta ay eritrea u xidhay xadka, balse masuul ka tirsan maamulka tigreega ee dalka itoobiya ayaa Wakaalada wararka ee associated press u sheegtay in wali dhankooda ay talaabayaan dadka eritreanka ahi, Lakiin Eritrea ayaa dhinaceeda xidhay isusocodka.

Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibada itoobiya ayaa wartabiyayaasha u sheegay in aanu wax macluumaad ah ka ogayn xidhitaanka xadka.

Dhanka kale masuuliyiinta Eritrea ayaan ka hadlin xidhitaanka xadka ee dhankooda.

Isbedelada uu horkacayo Ra’iisal Wasaaraha dalka itoobiya abiy ahmed ayaa saamaxay in si lama filaan ah loosoo afjaro xiisadii colaadeed ee ka dhaxaysay Wadamadan jaarka ah ee ku yaala geeska afrika.

Wadamada gobolka iyo beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay heshiiska dhexmaray dawladahan, oo dhabaha u xaadhay heshiisyo kale oo hor leh oo lagusii adkaynayo xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga