Sida ay sheegayaan wararka Saab TV kasoo gaadhaya degmada Ceelwaaq oo katirsan gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, diyaaradaha dagaalka ee dalka Kiiniya ay habeenimadii xalay abaara 10-kii habeennimo weerar ku qaaday goob kamid ah goobaha ay kuyaallaan taawarrada shirkadda is-gaadhsiinta ee Hormuud, taasoo ka hawl-gasha koonfurta Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in illaa 11 gantaal ku dhaceen ay ku dhaceen ee idaacadda codka Maraykanka oo uu Saab TV soo xiganayo, ayaa waraystay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo jooga degmada Ceel Waaq, kaas oo markii ay duqayntu dhacaysay kusugnaa meel sida uu sheegay u jirtay 30 Km goobta ay Kiiniya duqaysay.

Sarkaalka ayaa idaacadda u sheegay inay diyaaraddani tahay mid caan ka ah deegaankaas, waxaanu u sheegay inaanay illaa iyo hadda jirin warar rasmi ah oo uu hayo kaasoo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkan.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga