Laba dhallinyaro Falastiiniyiin ah ayaa laga helay maydkooda aaga koonfurta Qaza, ka dib markii laba mawjadood oo duqaymo ahi ay ka dhaceen duullimaadyada dalka Israel.

 
Labada wiil oo 17-jir ah ayaa laga helay maydkooda magaalada Rafah subaxnimadii Saaka, Ashraf al-Qudra, oo ah afhayeenka wasaarada caafimaadka ee Qaza, ayaa xaqiijiyay.

 
Ugu yaraan laba qof oo kale oo reer Falastiin ah ayaa lagu dhaawacay Weerarka, mid ka mid ah xaaladisa ayaa halis ku jirta hada, waxaana lagu dawanayaa xarun caafimaad oo ku taal magaalada Rafah.

 

24kii saacadood ee la soo dhaafay, Israel ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsaneyso 18 goobood oo Xamaas joogto,iyaga oo ka jawaabaya qaraxyo waawayn oo ka dhacay Bariga dalka isreal.

 

Sida laga soo xigtay ciidanka Israel, lix weerar oo waawayn “ayay maalmihii u danbeeyay  ku qaaday goobaha Xamaas ay ku sugantahay, oo ay ku jiraan tulooyin u dhexeeya magaalda Qaza ilaa Israel.

 

Weerarradan ayaa ka dambeeyay Duqaymo lagu bartilmaameedsanayo magaalooyin ku yaal qaybta koonfureed ee xudduudaha – sida warbaahinta reer binu Israa’iil loogu qeexay.

 

Wakaaladda wararka ee Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa werisay in gantaalaha ay ka soo tuureen diyaaradaha ay waxyeelleeyeen dhowr guri oo rayid ah.

 

siyaasiyiinta reer Falastiiniyiin ayaa Israel ku eedeeyay “Weerarada xadgudubka ah ee ay u gaysanayaan dhulka reer falastiin”

 

“Dhibaatada Falastiiniyiinta lagu hayaa dib ugama celinayso ilaalinta Xoriyada dadka reer Falastiin, waan sii wadi doonaa inaanu difaacaano, lana dagaallano gardarrada cadawga,” ayuu yiri afhayeenka maamulka Gaza.

 

weerar kani waa kii ugu weynaa ee noociisa ah tan iyo sannadkii 2014, markii Israel ay weerar ku qaadday xadka dadka reer falastiin.
In ka badan 2,250 reer Falastiin ah, oo ay ku jiraan ku dhowaad 1,500 qof oo rayid ah ayaa la dilay, 11,000 oo kalena waa la dhaawacay weerarkii July-Agoosto 2014.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga