Qaramada Midoobay waxay rejo wanaagsan ka muujisay xal laga gaadho colaadda ka aloosan gudaha waddanka Itoobiya, iyadoo dedaalada dhexdhexaadintu ay mar kale meel wanaagsan marayaan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa arintan ka hadlay isagoo iftiimiyay deedaalada imika socda.

Antonio Guterres wuxuu tibaaxay in ay soo gaadheen warar lagu farxo oo muujinaya iskusoo dhawaansho labada dhinac ka yimi, iyadoo Midawga Afrika uu door laxaad leh ka qaatay hawlaha imika socda ee nabadaynta.

Dhinacyada Itoobiya ayaa u muuqda kuwo ka daalay dagaalka oo sanad wax ka badan ay soo wadeen, iyagoo imika u diyaar ah nabad.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga