Ra’Iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ayaa Subaxnimadii Hore Ee Saaka Booqasho aan Lasii Shaacin Ku Yimid Magaalada Muqdisho, Waxaana Si Diiran Ugu Soo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulan Albaabada U Xidhnaayeen Oo Ay Galleen Labada Mas’Uul Ayeey Ugu Danbeyntii Warbaahinta La Wadaageen Qodobo Dhowr Ah Oo Ay Ku Heshiiyeen, Waxaana Qodobadaa Xitaa Ku Jira In Labada Dal Yeeshaan Is-Dhaxgal Bulsho.

Laakiin Heshiiskan Ayaa Marka La Eego Waxaa Ugu Xasaasisanaa In Labada Dowladood Isku Afgarteen Maalgashiga Ilaa Afar Dekedood Iyo Dhismaha Wadooyin Laami Ah.

Itoobiya Waxaa Ay Hore Qeyb Uga Aheyd Heshiiskii Muranka Badan Dhaliyay Ee Shirkadda DPWORLD Kula Wareegtay Dekedda Berbera, Waxaana Heshiiskaa Si Cad Ugu Gacan –Seydhay Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo Ayaa Amaanay Dadaalka Ciidamadda Nabad Illaalinta Afrika Ee Amisom Oo Ay Qeyb Ka Yihiin Ciidamada Itoobiya.

“Anigoo Ku Hadlaya Magaca Shacabka Soomaaliyeed Iyo Dowladda,Waxaan Kugu Soo Dhaweynaya Soomaaliya,Soomaaliya Iyo Itoobiya,Waxay Wadagaan Taariikh,Dhaqan,Booqashadaada Maanta Waxay Xoojinaysa Xidhiidhka Naga Dhexeeya,Majiraan Wax Kala Qeybin Kara Walaaltinimada Labada Dal,Waa Waajib Ina Saran In aan Xaqiijino Nabadda Iyo Horumarka Labada Dal,Iyadoo Loo Marayo Kobaca Dhaqaale Iskaashi Bulsho,Waxaan Doonayaa In aan Halkani Ugu Mahadceliyo Ciidamada Militariga Ee Dalkaaga Sida Ay Naftooda Inoogu Hureen In Ay Soomaaliya Ka Caawiyaan Ka Hortaga Cadowga Alshabaab Oo Dhibaato Ku Haya Soomaaliya Iyo Guud Ahaan Gobolka” Ayuu Yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Qodobka 12-aad Ee Heshiiska Ayaa Sidoo Kale Xusayay In Labada Dal Ay Si Buuxdo Ugu Heshiiyeen In Midba Midka Kale Uu Xushmeeyo Madaxbanaanida, Qaranimada Iyo Xornimada Siyaasadeed Ee Dalalkan. Iyada Oo Sidoo Kale Ay Ka Wada Shaqeeyaan Sidii Loo Xoojin Lahaa Midnimada Soomaaliya.

Marka aad U Sii Fiirsato Qodobada Ku Jira Heshiiska Waxaa Kuu Muqanaya In Uu Ahaa Mid Kol Horeba Laga Sii Shaqeeyay, Laakiin Shirka Jaraa’Id Ee Labada Hogaamiye Lagu Tilmaami Karo Oo Kaliya Bandhigga Heshiiska.

Ra’Iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre Iyo Wafdi Uu Horkacayo Ayaa Horay U Booqday Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya.

Wafdiga Ra’Iisal Wasaare Abiy Ayaa Isla Maantaba Dib Ugu Laabtay Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga