Danjirihii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa waddanka Libya ayaa is-casiley, kadib muddo saddex sanno ah oo uu nabad-dhalin ka waday gudaha Libya.

Qassan Salame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in aanu sii wadi karin hawlaha uu ka wado Libya, maadaama ay lasoo darseen xaalado caafimaad oo isaga u gaar ah. Wuxuu xusay in isku-buuq ama diiqad-nafsiyadeed awgii uu uga tagayo shaqada, isagoo xogahaya guud ee Qaramada Midoobay ka dalbaday in uu ka aqbalo is-casilaadiisa.

Ninkan ayaa isku dayayay sanadadii lasoo dhaafay in uu isku keeno dhinacyada isku haya waddanka Libya oo dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo awood ahaanba isku haya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga