Inta La Xaqiijinayo 7 Ruux Oo Dhinacyadii Dagaaalamay Ka Kala Tirsan Ayaa Ku Dhintay Tiro Kalena Waa Ay Ku Dhaawacmeen, Kadib Markii Uu Dagaal Ku Dhex Maray Qeybo Ka Mid Ah Gobolka Hiiraan Al-Shabaab Iyo Dad Xoolo Dhaqto U Badnaa.

Dadka Deegaanka Oo Ka Soo Horjeeda In Laga Qaado Xoolo Ay Shabaab Ku Sheegeen Zako Ayaa Kula Dagaalamay Al-Shabaab Degaanno Lagu Magacaabo Muuse Geel, Bulacle Iyo Iibi Butaale Oo Kala Hoostaga Degmooyinka Maxaas Iyo Buula-Burde.

Maleeshiyaadkan Deegaanka Ayaa Lagu Magacaabaa ‘’Macwiisleey’’ Iyaga Oo Marar Badan Oo Hore Dagaallo Kala Duwan La Galay Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga