Wakaaladda Wararka ee Saudi Arabia ayaa sheegtay in Maanta Maxkamadda Lasoo taagay shan ka mid ah 11-kii qof ee loo xidhay Dilka Wariye Jamal Khashoggi.

Dacwad oogayaasha Sacuudi Carabia ayaa Dil Toogasho ah ku Xukumay Shan Kamida Dadkii loo Xidh Xidhay Dilka Wariyihii u Dhashay Sacuudiga ee Jamal Khashoggi oo Lagu Khaarajiyey Gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee Magaaladda istanbul ee Dalka Turkiga.

Khashoggi, oo ah wariye u shaqeynayey Wakaaladda Wararka ee Washington Post, ayaa October 2-deedii Lagu Dilay Safaaradda Sacuudi Carabia ee Magaaladda Istanbul.

Sacuudi Carabiya ayaa iska Fogeeysay Dilka Jamal Khashoggi, laakiin waxay qirtay in uu ku dhintay Kadib markii uu Dagaal dhex Maray dad ku Sugnaa gudaha Qunsuliyadda.

Telefishanka Aljazeera oo soo Xigayana Warbaahinta Turkiga ayaa Todobaadyadii Lasoo dhaafay baahiyey sawirrada xubno ka tirsan hoggaanka sare ee qunsuliyadda oo Marayey agagaarka Safaaradda Sacuudiga ee istanbul ka hor inta aan la dilin. Khashoggi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga