Ugu yaraan 9 qof ayaa dhintay halka dad ka badan 300 oo qofna la la’yahay kadib markii dhaam wayn oo ku yaala dalka brazil uu karkaarada jabsaday.

Wuxuu ku yaalay meel u dhaw aag macdanta laga qodo oo ku yaala koonfur bari dalka brazil, halkaas oo uu aasay meel ay ka qadaynayeen boqolaal ka mid ah shaqaalaha macdantu.

Saraakiisha gobolka ay mashaqadu ka dhacday ayaa warbaahinta u sheegay in ay yar tahay suurtagalnimada in la helo dad nool, iyadoo ay xaqiijiyeen dhimashada dad gaadhaya 9 qof.

Daadka ayaa sidoo kale qaaday dalag badan oo ku yaalay beero u dhawaa biyo-xidheenka, wuxuu burbruiyay gawaadhi iyo guryihii ka agdhawaa.

Shaqalaha gargaarka ayaa ka hawlgalaya goobta iyadoo la arkayay diyaaraadaha qumaatiga u kaca oo baadhaya dadka nool ee ka badbaaday fatahaada.

Wali lama sheegin sababta keentay burburka dhaamkan oo ay leedahay shirkadda vale oo ah tan ugu wayn ee shaqaysa macdan qodista dalkan ku yaala koonfurta ameerika.

Dhaamkan waxaa la dhisay sanadkii1976-kii, wuxuuna ka mid ahaa tiro biyo xidheeno ah oo ku yaalay deegaanka. Waxa loogu talagalay in uu hakiyo hadhaaga macdanta soo raacda daadadka.

Khasaarha dhaamkan ayaa imanaya saddex sanno kadib markii dhaam sidan oo kale ahi uu karkaarada ku jabsaday magaalada mariana oo dhacda bariga dalka brazil, halkaas oo ay ku dhinteen dad gaadhaya 19 qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga