Raysalwasaaraha Ingiriiska ayaa hor tegaya baarlamanka dalkiis asi su’aalo looga waydiiyo arimo dhawr ah oo loo haysto qaarkoodna uu qirtay balse raali galin aan dad badan qancin uu ka bixiyay.

Xildhibaano badan ayaa raba in xilka laga xayuubiyo boris Johnson balse waxa la sugayaa warbixin fadeexadaha loo haysto ku saabsan oo dhawaan lasii dayn doono.

Waxa la ogaaday in Boris Johnson uu laba jeer jabiyay amarada dawlada ee isu imaatinka dadka intii lagu jiray xanibaadaha buuxa ee safmarka Covid-19.

Xaflad ay kasoo qayb galeen xubno ka tirsan golahiisa wasiirada ayaa ka dhacday xafiiskiisa halkaas oo lagu arkay cabitaanoiyo cuntooyin fudud oo ay ku qaateen goobta.

54 xildhiaban oo ka tirsan baarlamanka Ingiriiska ayaa raba in ay imika soo gole joojiyaan Boris Johson si xilka looga qaado.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga