Maydadka 28 qof oo tahriibayaal ahaa ayaa laga helay xeebaha dalka Libya iyadoo ay badu soo tuftay.

Saraakiisha ciidamada ee Libya aya xaqiijiyay mashaqada oo ka dhacday xeebaha galbeed ee dalka Libya.

Tahriibayaashan ayaa la sheegay in doonidii ay saarnaayeen ay la qaraqantay, iyadoo lagu war helay maydadka ay badda kasoo caariday.

Waa marinka tahriib ee ugu dhimashada badan dunida kan badda Miedditeranean-ku, iyadoo muhaajiriintu ay isku biimeeyaan badda u dhaxaysa Libya iyo Talyaaniga.

Hay’adda Bisha Cas ee Libya ayaa ku warantay in aba qof oo badbaaaday iyagan laga helay laba goobood oo kala duwan oo ku dhereran xeebaha galbeed ee Libya, meel illaa 90km u jirta magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga