Wararka Saab TV kasoo gaadhaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu sheegay in maanta baarlamaanka Soomaaliya kalsoonidii kala noqdeen raysal-wasaare Xasan Cali Khayre.

Guddoonka baarlmaanka ayaa hadalkan sheegay, xilli uu buuq hadheeyay baarlamaanka, waxaanu sheegay inay bateen xildhibaannadii taageersanaa kalsooni kala noqoshadu.

Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegaysa inuu guddoomiyuhu goobta ka xaadiriyay xildhibaannadii buuqa sameeyay kuwaas oo ay ku sheegeen inay kala ahaayeen:- wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiir ku xigeenka warfaafinta, Aadan Isxaaq, Xildhibaan Dhuxulow, ildhibaan Xuseen Iidow, iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiid Ismaan Daallo, sida uu kulanka ka hor sheegay guddoomiye, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guddoomiyuhu wuxuu eedeeyay in xukuumaddu fashilantay, isla markaana ay waxba ka qaban wayday.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga