Guddoomiyaha Xisbiga UCID, oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Xisbigaas, ayaa kormeeray suuqa wayn ee Waaheen Ee Magaalada Hargeysa waxaanu gudoomiyuhu u kuur galay xaaladda Suuqa.

Guddoomiyaha, ayaa intii uu kuguda jira kormeerka suuqaas,m waxaa uu eedaymo culus usoo jeediyay goleyaasha deegaanka ee wakhtigoodu dhammaaday, isagoo si gaar ah uga hadlay kuwa Hargeysa ayuu yidhi:
‘Ismahan lahayn Hargeysa Waxay u darsan doonta dadkii la soo Magaacibi jiray”

Guddoomiye Faysal, oo ka hadlayay madaxwaynaha Somaliland ayaa yidhi:
“Madaxwaynaha Waxaan u Tagayna Haddii uu go’aan ka qaadan Waayo Maayirada Bila Sharciga ,Golaha golaha wakiilada Mudo dhaafay ilmaha yar ee abihi dhinte ee guurtida laga dhigaayo , Waxaynu Samayneyna quwadda ugu wayn ee Shacabku waa Umadda , Maalintaa aan idin idhaa Soo baxa albaabada ayaynu ka soo saaraynaa yaan laydiin waayin Meheradaha ayaad xidhanaysaan, Baarlamaankaan qabsanaynaa Golaha guurtidaan qabsaneynaa, Madaxtooyadaan is hortaagayna inta lakala diraayo dadka” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga