Qoraal tacsi ah oo kasoo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland, oo soo gaadhay waaxda Online-ka ee Telefishanka Saab TV, ayaa u dhignaa sidan:

”TACSI MADAXWEYNE: 22/12/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Indho-deeq Jaamac Cumar oo xalay ku geeriyootay xalay oo ay taariikhdu ahayd 22/12/2019 Magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbi xaakimka Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ay hooyadii ahayd marxuumaddu.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga