Sida warar lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Saab TV, dagaal u dhexeeya ciidamo kawada tirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya, ayuu dagaal ku dhexmarayaa Ex-Control, dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan socday muddo saacad ka badan, kuwaasoo ciidamada dagaallamayaa ay kala yihiin kuwa asluubta Soomaaliyeed iyo ciidanka ilaalada u ah dhismaha jidka isku-xidha Muqdisho iyo Afgooye.

Warar, ayaa Saab TV u sheegay in dadku ay cabsi dareemayaan, halka qaar kalena ay nafahooda kala carareen, halka qaar ay xitaa ka yaaceen ganacsiyadoodii oo furan, dad ayaa Saab TV u sheegay inuu dagaalku saamayn ku yeeshay isku socodkii, kaas oo aanay garanayn illaa inta uu sii socon karo.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay adduunka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga