Dawladda Maraykanka ayaa sii daysay muuqaalada qaabkii loo dilay hogaamiyihii kooxda Daacish, Abubakar alBaqdaadi, oo ciidanka gaarka ah ee Maraykanku ay dileen.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka loona yaqaano Pentagonka ayaa baahisay muuqaaladan, iyadoo laga dhex arkayay ciidanka Maraykanka oo usii dhawaanaya dhismaha uu ku jiray alBaqdaadi. Ciidamada ayaa toogasho ku dilay dhamaan dadkii ku sugnaa goobta.

AlBaqdaadi ayaa la sheegay in uu raacay god ku dhexyaalay dhismaha, halkaasna uu isagu isku qarxiyay. Intaa wixii ka danbeeyay ciidanka Maraykanku waxay dhulka la simeen dhammaan dhismaha.

GOORDHOW KA DAAWO SAABTV MUUQAALKA WARKAN.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga