Inta la ogyahay illaa 65 qof ayaa ku dhintay halka dad ka badan 45 kalana ay ku dhaawacmeen dab ka kacay tareen siday rakaab oo ku safrayay badhtamaha waddanka Pakistan.

Dadka dhintay ayaa intooda badani ay isku dayaysay in ay ka baxsadaan dabka, arintaas oo keentay in dabku uu fido isla markaana khasaare badani ka dhasho, sida ay sheegayaan booliska deegaanku.

Tareenka ayaa u kala safrayay magaalooyinka Karachi iyo Rawalpindi waxaana ay dadku u kalahayeen shaqooyinka.

Dabka ayaa ka kacay shoolad ay isticmaalayeen rakaabka qaar si ay u diyaarsadaan quraacdooda. Mid ka mid ah shooladaha ayaa qaraxday, kadibna dabka ka dhashay ayaa ku fiday saddex qaybood oo ka mid ah tareenka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga