Dawladda maraykanka ayaa weeraradii lagu qaaday ceelasha saliida ugu wayn caalamka ee Sucuudiga ku eedaysay Iran.Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa sheegay in dawladda Iran ay weeraradaas ka danbaysay, isagoo intaa ku daray 100 weerar oo kale ay iran ku qaaday Sucuudiga, kuwaas oo ay sheegteen xuutiyiinta Yemen.

Kooxda xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa sheegatay masuuliyada weeraradan oo loo adeegsaday diyaaradaha la hago ee dronka loo yaqaano.

Maalintii sabtidii ayay diyaaraduhu banbooyin ku tuureen qaar ka mid ah ceelasha saliida ee shirkadda Aramco. Waa ceelasha saliida ee ugu wayn caalamka, waxayna gaadhsiiyeen dhaawac xoogan, sida uu shegay wasiirka tamarta Sucuudigu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga