Magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamulka Puntland waxa saaka si rasmi ah uga furmay shirka maalgashiga deegaanada Puntland. Shirka ayaa sida lagu wado socon doona muddo saddex maalmood. ah.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa ka qeyb-gali doona madaxda shirkado caalami ah, Maalqabeenno, Ganacsato Soomaaliyeed iyo hay’addaha ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha dalalka geeska Afrika, si ay u arkaan fursadaha maalgashi ee ka jira deegaannada Puntland,iyada oo lagu wado in uu  shirkaasi furo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Waa markii ugu horeysay ee shir noocan oo kale ah lagu qabto magaalada Garoowe, iyadoo la filayo in ay kasoo baxaan natiijooyin wax-ku-ool ah.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga