Dawladda Pakistan ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay soo rideeen Laba ka mid ah Diyaaradaha dagaalka dalka Hindia oo kusoo xadgudbay hawda pakistan.

Pakistan waxay falkan jawaab uga dhigaysay diyaaardaha dalka Hindia oo maalintii shalay ahayd duqaymo ka geystay gudaha dalka Pakistan, taas oo ka cadhysiisay xukuumaddda islaamiga ah ee Pakistan.

Diyaaradah dagaalka ee dalka Hindia ayaa subaxdii hore ee shalay weeraray fadhiisimo ay leedahay kooxda jem ee fadhigeedu yahay dalka pakistan, taas oo weerar ay ku qaaday deegaanka kashmir ku dishay tiro ka Badan 40 askari oo ka mid ah ciidanka booliska ee dalka Hindia. Taas oo sabab u noqotay duqaynta ay shalay Hindia ka geysatay gudaha pakistan.

Ugu yaraan laba ka mid ah duuliyeyaashii diyaaradaha ayay ciidamada pakistan gacanta ku dhigeen, sida uu sheeegay afhayeen u hadlay milatariga pakistan.

Xiisada u dhaxaysay labada waddan ee pakistan iyo Hindia ayaa sii xumaanaysa, iyadoo laga cabsi qabo dagaal dhex mara labadan dal ee ku hubaysan hubka wax gumaada e nuliyeerka.

Pakistan iyo india waxay muddo tobaanan sanno ah ku muransanaayeen deegaanka kashmiir oo ku yaala xadka ay wadaagaan labada wadan. Kashmir oo ku taala dhul buuralay ah ayaa ah deegaan bilicsan oo dhul beereed leh, waxaana laga beeraa bariiska baasmaatiga loo yaqaano.

Dhanka kale, Xiisadda u dhaxysa ciidanka Labada waddan ee ku sugan xadka ayaa maalmihii ugu danbeeyay lagasoo sheegayey deegaanka kashmir, halkaas oo ku dhinteen ugu yaraan 4 qof oo pakistaaniyiin ahi.

Waxa qayb ahaan la laalay duulimaadyada iskaga gooshi jiray labada wadan ee jaarka ah.

Pakistan iyo Hindia midiba ta kale ayay ugu hanjabaysaa in ay tallabo qaadi doonto, iyadoo aan la ogayn halka uu ku danbayn doono dagaalkan aan tooska ahayn ee u dhexeeya labadda wadan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga