Aqalka Hoose Ee Baarlamanka Maraykenka Ayaa U Codeeyay In Ay Si Hortaagaan Go’aankii Uu Madaxweyne Trump Dhawaan Ku Dhawaqay Ee uu Ku Adeegsanayay Awoodda Xaalada Degdega ah Si uu u Maalgaliyo Darbi uu Damacsanyahaya In uu Ku Kala Qaybiyo Maraykenka iyo Mexico.

Qaraarka ay Meel Mariyeen Aqalka Koongareesku ayaa La Horgayn Doonaa Aqalka Sare Ee Baarlamanka, oo ay Maamulaan Xisbiga uu Trump Kasoo Jeedo Ee Jamhuuriga.

Donald Trump ayaa Ku Dhawaaqay in uu Adeegsan doono Awooda Xaalada Degdega ah, Kadib Markii Koongaresku uu u Diiday Lacag Ku Dhaw 6b$ oo uu Ku Dhisi Lahaaa Darbi Kala Qaybinaya Maraykenka iyo Mexico.

Aqalka Koongareska Waxaa Maamula Xisbiga ay Trump Xafiiltamaan Ee Dimuqraadiga.

Aqalka Koongareeska ayaa aqlabiyad ah 245 Cod Ku Meelmariyay Qaraarkan Trump Ka Carqaladaynaya Qorshihiisa.

Xildhibano Ka Tirsan Senatka Maraykenka Kana Tirsan Xisbiga Madaxweyne Trump Ee Jamhuuriga ayaa Durbadiiba Taageeray Soo Jeedinta Aqalka Koongareeska.

Dhismaha Gidaarka Oo Masaafo Ahaan Gaadhaya 3200 Km una Dheraran Xadk uu Maraykenku La Wadaago Dalka Mexico Ayaa Ka Mid Ahaa Balanqaadyadii Ugu Waawaynaa Ee Trump Ku Galay OloLihii Doorashada Ee Sanadkii 2016-kii.

Inkasta OO Dastuurka Maraykenku Uu Trump Awood u Siinayo in uu Isticmaalo Awoodda Xaalada Deg dega ah, Hadana Hadii Labada Aqal Ee Baarlamankuba ay u Codeeyaan Diidmo Ku aadan Go’aanka Trump, Ma Meelmari Doono Qorshaha Madaxweynuhu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga