Dalka ingiriiska ayaa ku biiray wadamada danaynaya in ay saldhigyo milatari ka samaystaan somaliland, Dawladaha imaaraadka iyo ruushka ayaa hore usoo bandhigay qorshayaal ay ku damacsanyihiin in ay saldhigyo milatari ka samaystaan deegaanada xeebaha badda cas ee somaliland, oo ah marin muhiim u ah badeecaadaha iskaga goosha caalamka.

Wasiirka difaaca dalka ingiriiska, gavin williamson ayaa dhammaadka sanadkii 2018-kii shaaca ka qaaday in marka ingiriisku ka baxo midawga yurub uu saldhigyo milatari ka samaysan doono meelo kala duwan oo ka mid dunida. Waraysi uu siiyay wargayska telegraph ee kasoo baxa dalka ingiriiska ayuu gavin williamson ku sheegay arintan, balse muu cadaynin wadamada ay damacsanyihiin in ay ka samaystaan saldhigyada milatari. Wargayska telegraph ayaa xusay in meelaha ay u badantahay in ingiriisku saldhigyo ka samaysto ay kamid yihiin, singapur ama brunei oo ah dal yar oo dhaca badda koonfurta shiinaha, sidoo kale meelaha uu ingiriisku xiisaynayo waxa ka mid ah wadamda ku hareeraysan badda caribbeanka ee badweynta atlaantika.

Hal wiig ka dib markii uu wasiir gavin williamson ku dhawaaqay in ingiriisku saldhigyo milatari ka samaysandoono meelo kala duwan oo caalamka ah kuna beegnayd 6-dii bishan jan ayuu booqday magaalada hargeisa ee caasimadda somaliland, halkaas oo ay ku kulmeen madaxwyene muuse biixi oo sida ay sheegeen ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ingiriiska iyo somaliland. Booqashada wasiirka ayaa kor usii qaaday shakiga ah in ingiriisku doonayo saldhig milatari oo uu ku yeesho dalkan yar ee aan la aqoonsanayn, horena uu u gumaysan jiray.

Ingiriiska ayaa ku biiray wadamada imaaraadka iyo ruushka oo danaynaya saldhigyo milatari oo ay ku yeeshaan somaliland.

Dawladda somaliland ayaa dalka imaaraadka saldhig milatari ka siisay magaalada xeebta ah ee berbera, saldhigaas oo hadda uu dhismihiisu socdo.

Dhanka kale dalka ruushka ayaa bishii April shaaciyay in uu doonayo saldhig milatari oo fadhi u noqon kara askar gaadhaysa 1500 oo askari, saldhigaa oo ay doonayaan in ay ka samaystaan magaalada xeebta ah ee saylac oo dhacda waqooyi-galbeed somaliland. Ruushka ayaa danaynaya saldhigaas oo sida uu sheegay caawin doona maraakiibtiisa dagaalka ee mara gacanka cadan.

Marinka cadan oo somaliland ay jaar la tahay ayaa ah marin muhiim u ah isu-socodka badeecadaha iskaga goosha caalamka. maraakiibta sanadkii ka gudubta ayaa lagu qiyaasay 21-Kun oo markab. ilaa %11 shidaalka caalamka ee badaha la mariyo ayaa sii mara marinkan oo ku xidhiidhiya marinka suweys ee dalka masar, taas oo kor usii qaaday rabitaanka ay quwadaha caalamku ku damacsanyihiin in ay awoodooda ku fidiyaan marinkan muhiimka ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga