Waxaa Daqiiqado Kahor Lasoo Gabgabeeyay Doorashadda Madaxwaynaha Puntland oo ka socotay Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulkaasi.

Wareega koowaad ee doorashada madaxweynaha Puntland ayaa Waxaa ku Hadhay Madaxweynihii Hore ee Puntland Cabdiweli Gaas oo mar kale u tartamay xilka isaga oo Helay 8 cod.

Musharrixiinta kala ee Kala ah Cali Ciise Cabdi, Cali Xaaji Warsame General Morgan iyo Shoortayo ayaa helay mid hal cod, halka musharaxa Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye) uu helay toddobo cod.

Saddex musharrax oo ah kuwa ugu codadka badan ayaa usoo gudbay wareega labaad,kuwaas oo kala ahaa.

1-Saciid Cabdullaahi Deni 20 cod
2-Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano 17 cod
3- Faarax Cali Shire 9 cod

Wareegii ugu dambeyay waxaa ku tartamay labada musharrax ee ugu codadka badan kuwaas oo kala ah,Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano iyo Saciid Cabdullaahi Deni, Halkaas oo ay Guushu Ku Raacday Siciid Cabdilaahi deni oo naqonaya Madaxwaynaha Hogaaminaya Puntland Shanta Sanno ee Soo Socota.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga