Xulka 17-jirada Soomaaliya ayaa galabta 1-0 kaga adkaaday Ugandha.

Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay qaybtii hore bar-baro , Xulka Yugandha oo rigooro helay ayaa waxaa ka qabtay goo-lhayaha Xulka Soomaaliya.

Qaybtii danbe markii la isku Soo laabtay, ayaa Soomaaliya waxay heshay gool Ciyaarta ayaana ku Sooo idlaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Soomaaliya oo kama danbeysta tartanka iska xaadirisay.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay gaarto kama danbeysta tartanka, iyaddoo Soomaaliya ay ka soo adkaatay dalalka Yugandha iyo Kenya oo loo Saadaliyay Koobkan.

Dhalinta Soomaliya u matalaya koobka ayaa dhiiro gelin kala duwan ka helayay Madaxda Ugu Sareysa dalka iyo Xiririka Kubada Cagta Soomaaliya oo marwalba u heelan sare u qaadida Kubadda Cagta Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga