Ciyaar kale oo uu si cajiib ah u dheelay Maxamed Salaax ayaa kooxda Liverpool ka caawisay in ay afka ciidda u darto kooxda Roma ee dalka Talyaaniga oo ay iskaga horyimaadeen ciyaar ka tirsan rubuc dhammaadka koobka Horyaallada Yurub.

Laakiin labo gool oo ay Roma ku dhalisay garoon ay marti ku tahay ayaa galisay rajo maadaama oo gurigooda mar kale la isku arki doono.

Liverpool oo ay ciyaar kama dambays ah ugu dambaysay 2007dii ayaa jabisay difaacii adkaa ee Roma, 68dii daqiiqo ee ciyaarta u horraysay ayayna shan gool dhalisay iyadoo garoonkeeda Anfield-na aad looga taageerayay.

Salaax ayaa hadda dhaliyay 43 gool tan iyo markii uu xagaagii hore ka soo wareegay Roma, wuxuuna ciyaartan ka dhaliyay labo gool isaga oo labo kalana salaxay.

Saalax labada gool ee uu gacanta ka gaystay waxaa kala dhaliyay Sadio Mane iyo Roberto Firmino.

Liverpool markii ay shan gool ku badisayna waxay noqotay kooxdii labaad ee abid ku badisa shan gool ciyaar rubuc dhamaad ah oo Horyaallada Yurub ka tirsan.

Markii ay ciyaartu shan iyo eber noqotay ayuu tababare Jurgen Klopp ciyaarta ka saaray Saalax, Roma ayaana markaas dadaal u gashay sidii ay fursad ugu raadin lahayd is aragga labaad ee ka dhici doona garoonkeeda Stadio Olimpico.

Edin Dzeko iyo Diego Perotti ayaana labo gool u dhaliyay.

Rome ayaa niyada ku dhisanaysa wareeggii hore ee koobka Horyaallada Yurub oo ay Barcelona 4-1 kaga badisay balse markii Talyaaniga lagu soo booqday ayay 3-0 ku badisay sidaa ayayna ugu soo baxday wareegga rubuc dhammaadka.

Labadan kooxood midkii badiya waxay ciyaarta kama dambaysta ah isku arki doonaan Munich ama Real Madrid midkii soo badiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga