Gool-dhaliyhii ugu wanaagsanaa ee soo mara kooxda Manchester United ee ka ciyaarta horyaalka naadiyada ee dalka Ingriiska ayaa si rasmi ah uga fadhiistay kubadda cagta. Da’diisu waxa weeye 35 sanno.

Wayne Rooney ayaa ah ciyaaryahanka goolasha ugu badan abid u dhaliyay kooxda Man United. 559 ciyaarood oo uu saftay wuxuu dhaliyay 253 gool. Wuxuu naadiga United la qaaday shan koob oo ah Premier Leagues, koobka horyaalada Yurub ee Champions League, FA Cup, afar koob oo ah League Cups, Club World Cup, iyo ugu danbayn koobka Europa League.

Rooney ayaa noqday ciyaaryahanka ugu qaalisan dunida ee da’yar markii uu United kusoo biiray badhtamaha sanadkii 2004.

Helyaygii reer Manchester wuxuu imika tababare buuxa ka noqday naadiga yar ee Championship side Derby County, isagoo bilaabay shaqadiisii ugu horaysay ee tababarenimo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga