Isbaheysiga Mucaaradka Ee Uu Hogaamiyo Raysul Wasaarihii Hore Ee Dalka Maleysiya Mahathir Mohamed Ayaa Ku Guuleystay Aqlabiyadda Baarlamanka, Guul La Yaab Leh Oo Kusoo Idlaatay In Laga Adkaado Isbaheysiga Xisbiga Talada Dalkaasi Hayay Mudo 60 Sano Ah.

Mucaaradka Ayaa Ku Guuleysatay 113 Kursi, Halka Xisbiga Bn Uu Ka Helay 79 Kursi Oo Kamid Ah 222 Xubnood Ee Baarlamanka, Sida Laga Soo Xigtay Natiijada Rasmiga Ah Ee Doorashadii Khamiista.ka Dhacday Dalkaasi,

Doorashooyinkan Ayaa Ahaa Kuwii Ugu Adkaa Ee Soo Mara Taariikhda Dalkaasi, Ayadoo Hogaanka Dalkaasi Loo Doortay Mahathir Oo Ay Da’Diisu Tahay 92 Sano Jir, Wuxuuna Xilka Kala Wareegi Doonaa Raysul Wasaarihii Hore Najiib Razak, Kaas Oo Lagu Eedeeyay Musuq-Maasuq.

 
Muhathir Ayaa Sheegay In Loo Dhaarin Doono Hogaanka Dalkaasi Khamiista Nagu Soo Food Leh, Isagoo Noqonaya Raysul Wasaaraha Ugu Da’Da Weyn Ee Caalamka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga