Xildhibaanada Aqalka sare ee Soomaliya ayaa fadhigooda maanta kaga doodi Doona xeerkii maalin ka hor ay meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia ee Dalka lagaga mabnuucaayay shirkada DP WORLD

Xildhibaannada Golaha Shacabka Somalia ayaa sharci daro ku Sheegay heshiisyadii ay shirkadda DP World la gashay Somaliland. iyagoo guud ahaan ka mamnuucay Dalka.

Waxaa maalmhii U danbeeyay isasoo taraayay Khilaafka u dhaxeeya Dawlada Federaalka Somalia iyo Somaliland kaas Oo Ku aadanaa Heshiisyada Shirkada DP WORLD ay la gashay somaliland. ayadoo dawlada federaalka somalia mawqif adag iska taagtay heshiis yadaasi kuna tilmaamtay mid baal marsan sharciga iyo dastuurka umada somaliyeed u yaala.

Sidoo Kale Somaliland ayaa hadalada dawlada somalia ku tilmaamtay faragalin qaawan oo somalia ku hayso somaliland waaxana ay shegeen in somaliland tahay dawlad madaxbanaan xaqna ay u leedahay inay ciday doonto la gali karto heshiiska maalgashi xorna ay u tahay dhulkeeda.

waxaa iyaduna xusin mudan in maamulaha guud ee shirkada dp world uu arintani ka hadlay sheegayna in aanay waxba ka galin hadalada kasoo yeedhaya dawlada federaalka somalia. isaga oo xusay in dawlada somaliland ay tahay dawlad madaxbanaan xaqna U leedahay inay heshiis la gasho cid walba oo danaynaysa maalgashiga somaliland.

dawladda jabuuti ayaa iyaduna hore sheegtay inay gabi ahaanba joojisay heshiisyo ay la gashay shirkada Dp World.

Sidoo Kale Madawaynayaasha Somaliland iyo Somalia Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ayaa Maalintii Shalay U Kala Safray Dalalka isutaga imaraatka Carabta iyo Dalka Qatar Oo Khilaaf Xoogani U Dhaxeeyo.Kadib markii ay dawlada Qatar, Cunaqabatayn Kusoo Rogeen Wadamo Uu Kamid Yahay Dalka Isutaga Imaraatka Carabta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga