Taliyaha ciidamada cirka dalka iran ayaa sheegay in xukuumada tehran ay diyaar u tahay in ay israa’iil ka sifayso dhulka guudkiisa.

Hadaladan hanjabaada ah ayaa kasoo yeedhay iran kadib duqayn iyo weeraro ay ciidamada israailiyiintu ku qaadeen aaga ay milatariga iran ku leeyihiin gudaha dalka suuriya, oo ay ku dishay illaa afar askari oo suuriiyaan ah.

General Aziz Nasirzadeh ayaa warbaahinta gudaha iran u sheegay in ciidanka da’yarta ah ee ku jira ciidamda cirku ay diyaar u yihiin dagaal ay lagalaan taliska israa’ill, kana tirtiraan arlada guudkeeda waa sida uu hadalka u dhigaye, wuxuu xusay in diyaar garawga milatari ee heerka sare ah ee dalka iran uu cadaw kasta ka hor istaaagi doono in uu weeraro jamhuuriyada islaamiga ah.

Raysal wasaaraha israailyiinta benjmin netenyahu ayaa maalintii isniinta difaacay go’aanka ay ciidankiisu ku weerareen saldhigyada iran ee dalka suuriya, wuxuuna intaa ku daray in ay jawaab u tahay kuwa duullaanka ku ah israaiil.

Netanyahu ayaa mar kale ku celiyay in ay la dagaalamayan iran iyo buu yidhi ciidanka suuriya ee soo raaca daandaaansiga ay wado isra’iil.

Xukuumadaha tehran iyo moscow ayaa gacansiiya maamulka madaxweyne bashar alasad oo muddo 18 sanno kabadan u talinayay dalka colaaduhu ay baabiyeen ee suuriya.

Israa’iil ayaa weeraro ku qaada goobaha ay ku suganyihiiin ciidamada iiraan ee gudaha suuriya, taas oo keentay hanjabaadda dagaal ee kasoo yeedhay iran.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga