Xabad joojintii Magaalada Xudayda ee Dalka Yemen ayaa Burburtay Wax Yar Ka Dib Markii ay Dhaqan gashay, Sida ay Ku Warantay Dawlada Madaxweyne Cabdurabbu Mansuur Haadi.

Dhinacyada Ku Dagaalamaya Dalka Yemen ayaa isla Qaatay Xabad joojin Dhaqan gashay Saqdii Dhexe ee Xalay, Balse Waxa Daqiiqado Kadib La Maqlay Iska-Horimaado Goosgoos ah oo Dhex marayay Fallaagada Xuutiyiinta iyo Ciidamada Dawladda Yemen oo Taageero Ka Helaya Xulafada ay Horkacayaan Dawladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Xoogaga Xuutiyiinta ayaa Ciidamada Dawladda Ku Weeraray Bariga Magaalada Xudayda, oo ah Magaalo Muhiim u ah Gargaarka La Gaadhsiiyo Shacabka Yemen oo in Kabadan Boqolkiiba %70 u Baahan Gargaar Bini-aadanimo.

Masuul u Hadlay Dawladda Yemen ayaa Wakaalada Wararka ee AFP u Sheegay in Dagaalku uu Wali Socdo.

Labada Dhinac ayaa Maalintii Khamiista ee Todobaadkii Tagay Heshiis ay Ku Gaadheen Dalka Sweden oo ay Maalgalinaysay Qaramada Midoobay Isla Qaatay Xabadjoojin Laga Bilaabo Magaalada Xudayda, Si Loosoo Afjaro Colaada 4-Ta Sanno Ka Socota Dalka Yemen.

Heshiiska ayaa Maalintii Jimcaha La Hakiyay Kadib Markii Lagusoo Waramay Duqaymo iyo Dagaalo Goos-Goos ah oo Magaalada Ka Dhacay.

Magaalada Xudayda oo 140-km Galbeed Kaga Beegan Magaalada Caasimadda ah ee Sanca ayaa ah Magaalada Afraad ee ugu Wayn Guud ahaaan Dalka Yemen.

Magaalada ayaa Dagaalka Ka Hor ahayd Meel Inta Badan Shacabka Yemen ay ugasoo Dagi Jirtay Badeecadaha Kala Duwan ee ay U Baahanyihiin, iyadoo Lagu Qiyaasay In %66 Dadka Reer Yemen ay Ku Tiirsanayeen Dakadda Xudayda.

2014-Kii ayay Qabsatay Falaagada Xuutiyiinta ee Dagaalka Kula Jirta Dawladda Yemen, iyadoo Tan iyo Bishii June ay Xulafada uu Sucuudigu Hogaaminayaa Ka Wadeen Duqaymo Xaga Cirka ah.

22 Million oo Ka Tirsan Shacabka Yemen ayaa u Baahan Gargaar Deg deg ah, Halka Dad Lagu Qiyaasay 8-million oo Qof aanay Meel Ku Hubin Cuntada ay Cunidoonaan Wakhtiga Xiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga