Inkabadan 12,000 Oo Xabaalo Wadareed Ayaa Laga Helay Dhulkii ay dalka Ciraaq ka Haysteen Ururka Isku Magacaaba Dawladda Islaamka Ee Daacish, Sida Lagu Sheegay Baadhitaan ay samaysay Qaramada Midoobay.

Xabaalo Wadareedyadda ayaa laga helay waqooyiga iyo galbeedka Deegaano lagu magacaabo Nineefeh, Kirkuuk, Salaahudiin iyo Anbaar, Waxaana la rumaysanyahay in ay ku aasan yihiin inkabadan 12,000 Oo Qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ururka daacish ayaa qabsaday qaybo kamid ah dalka ciraaq sanadku markuu ahaa 2014-kii iyadoo sharci adag kusoo rogtay deegaanada ay muumulaysay.

Ururkan Daacish ayaa Badi laga saaray dhulkuu haystay kadib weeraro isdaba joog ahaa oo Maraykanku Ku Qaaday, Isagoo Taageero Ka Helaya Ciidamada Dawladda Ciraaq Iyo Maleeshiyaadka Deegaanka, In Kasta Oo Ay Wali Maamulaan Deegaano Kale. Goobaha Ayuu Baadhitaanku Sheegayaa In Laga Heli Karo Cadaymo Adag Oo aan Kaliya Ahayn, Dhibanayaashaa Balse Xeer Ilaaliyayaasha Ka Caawin Kara Inay Bilaabaan Kiisas Ku aadan Danbiyo Dagaal Iyo In Lagu Tilmaami Karo Xasuuq Waxa Ka Dhacay Goobahaas.

Warbixintan Qarmada Midoobay Ayaa sidoo kale Lagu Sheegay in illaa Hadda La Diwaangaliyay 202 Xabaalo-Wadareed.

Baadhayaasha Ayaa Ku Qiyasaya In Dad U Dhexeeya 6,000-12,000 Oo Ruux ay ku aasan yihiin, Dadkan ayaa waxa ku Jira caruur, Haween, Dad Waawayn, Naafo, Shaqaale Ajaanib Ah Iyo Qaar Ka Mid Ah Ciidamada Ciraaq.

“Xabaalo Wadareedyada Lagu Diiwaangaliyay Warbixintayada Waxa ay Cadayn u yihiin, Dhimasho Niyad Jab Leh, Xanuun Dheer, Iyo Axmaqnimo Argagax Badan, Ayuu Yidhi Jan Kubis Oo Ah Ergayga Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Dalka Ciraaq.

iyadoo ay Wajahayaan Caqabado Hor Leh, Ehelada Dadka Maqan ayay Tahay inay iska Diiwaangaliyaan Shan Xafiis Oo Ku Yaalla Gudaha Ciraaq si ay u baadigoobaan dadkooda ay la’yihiin, warbixinta ayaa sidoo kale ku baaqday inay dadku ka xaadiraan xafiisyada si loo xaqiijiyo dadka la waayay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga