ilaa 12 qof ayaa lagu dilay toogasho wadareed ka dhacday magaalada thousand oaks ee gobolka california ee dalka maraykanka.

Toogashada ayaa bilaabantay 9-kii fiidnimo ee maalintii arbacada xili ugu yaraan 200 oo qof ay ku sugnaayeen baarkan oo ku yaala magaalo 40km waqooyi galbeed ka xigta magaalada los angeles.

Ninka weerarka gaystay ayay Boolisku sheegeen in maydkiisa laga dhex helay goobta iyadoon wali la xaqiijin haybtiisa.

Ninkan oo ku labisnaa dirays madaw ayaa soo galay baarka oo music ka baxaayay xili habeenimo ah waxaanu furay rasaas hor leh.

“Dhulka ayaanu kuwada daadanay, waxaanu maqalnay qaylo badan, saaxiibkay oo ahaa hagaha farsamada aya bakhtiiyay muusigii, waxaanan maqalnay qas badan,” ayuu yidhi nin dhaawacmay oo u waramay tv deegaanka ah.

Taylor witler oo isaguna goobta ku sugnaa ayaa yidhi “waxaan joogay qaybta lagu ciyaarayay waxaanan maqlay rasaas, si dhakhso ah ayaan u eegay xaga danbe qof walbana wuu qaylinayay isagoo gabanaya,”

Dadka ayaa ka baxsaday goobta iyagoo kuraasta ku jabinaya daaqadaha, halka qaar kalena ay gabaad ka dhigteen dhismaha dhexdiisa sida suuliyada.

Toogashada ay gaystaan dadka hubaysan ayaa kusoo badanaya gudaha maraykanka xili uu hub badani ku jiro gacmaha shacabka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga