Dawladda dalka Uganda oo kuyaal bariga Afrika ayaa shaacisay in qofkii labaad uu u geeryooday Cudurka Ebola, cudurkan ayaa kahor intii aanu labadan qof dilin ka dillaacay dalka deriska ah ee Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Koongo.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Caafimaadka uganda ayaa warbaahinta u xaqiijiyey warkan isagoo sheegay inay ahayd gabadh u dhalatay dalka Koongo da’deeduna ahayd 50 jir, taasoo ilmo ay qaraabo yihiin oo shan jir ahaa hore ugu dhintay cudurkan gudaha dalka uganda.

Ilmo kale oo isna saddex sanno jir ah ehelna la ah labada qof ee u geeryooday, ayaa isna la ildaran xanuunka, kaasoo hadda la daawaynayo, kiisaskan ayaa la sheegay inay yihiin kuwa keliya ee la xaqiijin karo inay xuduudaha ka tallaabeen.

Gudaha dalka jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Koongo ayaa tan iyo bilowgii cudurkan laga xaqiijiyey inuu asiibay in kabadan 2000 oo qof, taasoo in kabadan 1,400 ay u geeryoodeen cudurkanaan inta badan laga badbaadin.

Sarkaal sare oo katirsan Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO, ayaa sheegay inay hay’addu ka fikirayso bal in la shaaciyo xaalad caafimaad oo degdeg ah kadib dhimashada Ebola ee uganda.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ay Ciidamadu ka  joogaan Soomaaliya

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga