Madaxii ciidanka dalka itoobiya, madaxweynihii maamulka amxaarada iyo madax kale ayaa lagu dilay magaalada bahar dar ee caaasimadda gobolka Amxaaradda.

Raysalwasaaraha itoobiya, abiy ahmed oo ku labisan dharka ciidanka ayaa warbaahinta la hadlay, isagoo xaqiijiyay dilka madaxda iyo saraakiisha kale ee ciidanka dalka itoobiya. Wuxuu tibaaxay in madaxda ay laayeen dad ka agdhawaa xili ay kulan gaar ah lahaayeen.

Ambachew Mekonnen madaxweynhihii maamulka amxaarada itoobiya iyo Ezez Wasie oo ahaa la taliyihiisa ayaa lagu dilay xafiisyadooda, magaalada bahar dar.

Dawladda itoobiya ayaa sheegtay in isku day afganbi oo ka socday gobolka amxaarada, markaas oo weerar toogasho ahaa lagu laayay madaxda dhimatay.
Xisbiga haya talada gobolka amharada ayaa sheegay in madaxii hore e amaanka itoobiya, oo xabsiga lagasii daayay markii abiy uu xafiiska yimi, uu ka danbeeyay iskudayga afganbi iyo weerarada.

Raysal wasaarre abiy ayaa xusay in Seare Mekonnen, generaalkii ugu sareeyay ciidanka itoobiya uu isku dayayay in uu hakiyo afganbiga oo si qarsoodi ah uga socday gobolka amharada oo ka mid ah 9-ka gobol ee ay ka koobantahaya dawladda federaalka itoobiya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in khadka internetka la xidhay, inkasta oo dawladdu aanay xaqiijin.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlayay gudaha magaalada bahar dar, oo weerarku uu ka dhacay. Iyadoo safaaradda marykanka ee magaalada addisna digniin ka bixisay rasaas ay sheegtay in ay ka socoto meelo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee addis ababa.

Tan iyo markii uu xafiiiska la wareegay raysalwasaaraha itoobiya, abiy ahmed. Itoobiya waxa ka dhacay isdelo waawayn oo isugu jira dhinacyda, talada, ammaanka iyo dhaqaalaha. Balse waxa barbar socday isku dhacyo u dhexeeyay qoomiyadaha wada dega dalka itoobiya, kuwaas oo ay ku barakaceen dad lagu qiyaasay 2.4m oo qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga