Shir Caalami Ah Oo Ay Ka Qeygalayaan Wakiilada Dalalka Deeq Bixiyeyaasha Mareykanka, Britain, Norway, Qm, Midowga Yurub Iyo Imf Ayaa Lagu Qabtay Xarunta Bankiga Aduunka Magaallada Washington Ee Dalka Mareykanka.

Shirkan Ayaa Waxaa Soomaaliya Ku Metelayay Wasiirada Maaliyadda, Waxbrashada, Kalluumeysiga, Waxaana Shirkaasi Lagaga Hadlayay Sidii Soomaaliya Looga Cafin Lahaa Deymaha Lagu Leeyahay Oo Gaadhaya 5.5 Bilyan.

Waxaa Kaloo Shirkan Qeyb Ka Ahaa Mashruuc Bankiga Aduunka Uu Ugu Tala Galay Horumarinta Soomaaliya Afarta Sano Ee Soo Socoto, Si Kor Loogu Qaado Dib U Dhiska Dalka Iyo Amniga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr C/Raxmaan Cabdi Xaashi Ayaa Sheegay Shirkan Inuu Noqday Mid Miradhal Ah, Rajo Weyna Ay Ka Qabaan In Soomaaliya Laga Cafiyo Deymaha Lagu Leeyahay.

Soomaaliya Ayaa Sanadihii La Soo Dhaafay Isku Dayeysay In Ay Buuxiso Boosaska Beesha Caalamka Ay Ugu Talagaleen Wadamada Deymaha Lagu Leeyahay In Lagu Cafiyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga