Caalim Islaami, ayaa cambaareeyay aallada cusub ee baraha bulshada Bariga Dhexe iyo aduunka qabsaday oo uu sheegay in uu ka hor imanayo Diinta Islaamka.

Cisaam Al-Rowbi  oo ka qalin jabiyey jaamacada  Islaamiga ee Masar ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga   in aallada Face App Challenge ayuu mamnuuc yahay oo uu loolan  kula jiro abuurta Ilaahay .

Face App Challenge  ayaa saamayn baahday ku yeeshay aduunka oo dhan   , waxaana uu samaynayaa isbadelka sida uu wejigaagu u eekaan doono marka aad gabowdo .

Dad badan,  ayaa isticmaalaya Face App , waxa ay soo dhigayaan  sawiradooda iyo kuwa dadka caanka oo uu ka mid yahay laacibka  reer Masar ee Maxamed Saalax oo u ciyaara kooxda Liverpool.

Cismaam waxa  uu u sheegay shabakedda Cairo 24 ,  in yahay aalladan waali tahay oo ay keenayso caaqib xumo  , sawiradan miyey muujinayaan waxa dadka ku dhci doona oo uu og yahay Ilaahay uun  ayuu is weydiiyey?

Soomaali  badan ayaa isticmaalayey maalmihii ugu dambeeyay Face App , si la  mid dunida kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga