Wareegto Kasoo Baxday Maamulka Gobolka Gedo Ayaa Lagaga Mamnuucay Shacabka Ku Dhaqan Degmadaasi, Gaar Ahaan Lamaaneyaasha In Maharkooda aanay Ku Qabsan Karin Hoteelada Oo Ay Yimaadaan Maxkamadda.

Gudoomiyaha Degmada Maxamed Xuseen Cismaan Oo Wareegtada Shacabka U Akhriyay Ayaa Sheegay In Maanta Wixii Ka Danbeeya aan La Ogolaan Doonin In Qarashaad Badan Lagu Bixiyo Guurka.

Sidoo Kale Gudoomiyaha Ayaa U Sheegay Shacabka In Lacagta Ku Baxaysa Maharka Ay Tahay 3,000,000 Oo Shilinka Somaaliga Ah Una Dhiganta $150,Dollar Meherka Iyo Arooskana Ay Halmar Dhici Doonaan Oo aan La Ogolaan Doonin In Maharka Waqti Laga Dhigo Arooskana Waqti Kale laga dhigo,

Waxyaabaha Kale Ee aadka Loo Hadal Hayo ayaa ah In Alaabta Loo Dhigayo Gabadha Ay Noqon Doonto Jiif Qudha, Iyadoo Ay Meesha Ka Bixi Doonto In Ragga Guur Doonka Ah Lagu Xujeeyo In Ay Jiif Iyo Fadhi. Dhigaan Xiliga Aqal  Galkooda,

Sida Caadada Ah, Wiilka Iyo Gabadha Is Guursanaya Ayaa Ka Heshiin Jiray Nooca Ay Noqonayso Xafladda Arooskooda Iyo Weliba Alaabta La Dhigayo Guriga,

Bulshada Ku Dhaqan Degaanada Gedo Ayaa Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Amarka Kasoo Baxay Maamulka, Ayadoo Qaar Kamid Ah Dadka Ku Dhaqan Degmadaasi Ay Sheegeen In Ay Tahay Mid Xad Gudub Ku Ah Xoriyadooda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga