Dad gaadhaya ilaa 450 Qof ayaa dib loogu celiyay gudaha dalka itoobiya; iyagoo laga keenay dalka sucuudi arabiya.

Dadkan oo itoobiyaan ahaa ayaa lagasoo daayay jeelasha Ku yaala magaalada xeebta kutaala ee jizan oo dhacda waqooyi galbeed dalka sucuudiga, sida lagu sheegay war kasoo baxay wsaarada arimaha dibada ee dawladda itoobiya oo aanu warkan ka xiganay.

Dawladda sucuudiga ayaa todobaaadkan sheegtay in ay sii daynayso maxaabiis tiro ahaan gaadhaysa ilaa 2400 oo maxbuus oo kasoo jeeda dalka itoobiya.

Ilaa 450 ka mid ah dadkaas ayaa galinkii Danbe ee Maalintii Shalay laga dajiyay magaaladda Caasimadda ah ee adis ababa, halka dadka hadhay oo dhan 450 qof la filayo in maalinta jimcaha ee soo socota lagu celin doono dhulkooda itoobiya sida ay mar kale tibaaxday wasaarada arimaha dibadda itoobiya.

Dhanka kale wasaaaradda arimaha dibada oo kaashanaysa qunsuliyadda ay itoobiya ku leedahay magaalada jeddah ee dalka sucuudi Carabiya ayaa ka shaqaynaya sidii dadkale oo itoobiyaan ah oo gaadhaya 1500 oo qof oo dhawaan galay gudaha sucuudiga dib loogusoo celin lahaa itoobiya. dadkaas ayaa la sheegay in noloshoodu ay khatar ku jirto iyagoo soo maray marno tahriib oo khatar badan sida ay wasaaradu sheegtay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga