Ciidamada Ilaalada Xuduudka ee Dalka Maraykanka ayaa gebi ahaanba Joojiyay isku socodka Xadka ay la Wadaagaan Dalka Mexico, iyaga oo Hakiyay Muhaajiriinta Tirada Badan ee Beegsanaya Dhulwaynaha Maraykanka. Sida ay Kusoo Waramayaan War-Tabiyeyaasha Ku Sugan Magaalada Tijuana oo Dhacda Xuduudka Labada Dal.

Dadkan Magangalyo Doonka ah oo ay Ku Jiraan Caruur aad u Yaryar ayaa Loo Adeegsaday Sunta Indhaha Kaga Ilmaysiisa.

Kumanaan Muhajiriin ah ayaa Isasoo Tubay Xadka Mexico Iyagoo Qayb Ka ah Qulqulka aan Kala go’a Lahayn ee Muhaajiriinta Kasoo Hayaamaya Koonfurta Ameerika si ay Cagaha u Dhigaan Gudaha Maraykanka oo ay ku Tuhmayaan in ay Ka Heli Doonaan Nolol Dhaanta Tan Wadamada ay Kasoo Carareen.

Dad Kor u dhaafaya 5-Kun oo Qof ayaa isku Cidhiidhyey Garoonka Ciyaaraha Magaalada Tijuana oo Qaada 3-Kun oo Qof.

Kooxaha u ololeeya Xuquuqda aadamaha ayaa Sheegay in Dawladda Maraykanku ay Jabinayso Sharciyada Magangalyo Doonka, Laakiin Waaxda Cashuuraha Iyo Ilaalada Xuduudaha Maraykanka ayaa Beenisay Eedaymahaasi.

Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dalka Miksiko ayaa sheegtay in dadkan Tirada Badani ay Isku Dayeen in ay si Rabshad Leh uga Gudbaan Xadka, iyadoo Wasaaradu Sheegtay in Dadka Rabshada Abuuraya La Mastaafurin Doono, Wasaarada ayaa Sidoo kale xustay in Ficilada Dadkan Muhaajiriinta ahi ay Carqaladaynayaan Hanaanka Sharci ee Qaxootiga, Taas oo Meesha Kasaaraysa in La Caawiyo.

Xiisada ayaa Kor usii Kacday Kadib Markii Horaantii Bishan ay Kor u Kaceen dadka doonaya inay Galaan Maraykenka, oo Isasoo dhoobay Xadka; Iyagoo Lug Kusoo maray masaafo ka Badan 4000-km oo ay kaga yimaadeen badhtamaha Ameerika.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa dhawaan amray in Ciidamo badan loo daadgureeyo xadka ay La wadaagaan Miksiko oo ah Marinka ugu Muhiimsan ee ay Isticmaalaan Dadka Muhaajiriinta ahi isagoo Fidiyay awoodda Ciidanka iyo inay u Adeegsan Karaan Xoog Dadka Ka Gudbaya Xuduudka.

dhawaan ayay maxkamadda Federaal ahi ay is hor taagtay Qorshe uu Maamulka Trump Ku Doonayay in uu Wax Kaga Badalo Sharciyada Magangalyo Doonka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga