Dowladda Maraykanka ayaa mamnuucista ka qaaday dadka qaxootiga ah ka socda 11 dal oo loo arkay in ay halistooda badantahay in ay galaan Maraykanka, balse waxa ay wajahayaan baaritaan dheeraad ah ka hor inta  aanay  Galin dalkaas

Xoghayaha amniga gudaha Maraykan Kirstjen Nielsen ayaa sheegtay in qaxootiga ay mari doonaan baaritaano adag Si Loo Hubiyo

Maamulka Dawlada  Trump ayaa bishii Obtoobar mamnuucay in ay Maraykanka galaan dadka ka socda 10 dal oo Muslimiinta u badanyihiin iyo dalka Kuuriyada Waqooyi.

Saddexdii sano Ee ugu Dambeeyay qaxootigii Maraykanka galay boqolkiiba 40% waxa ay ka yimaadeen dalalkan.

23 qof Oo Qaxooti ah ayaa Maraykanka galay tan iyo intii Trump uu soo rogey mamnuucista, waxayna arrintaas ku suurtogashay amar maxkamadeed. Oo Dhacay Xiligaas

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga