Xiisadii ka dhalatay sumaynta basaas  hore uga tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka, kaasi oo ku sugnaa ingiriiska. Bassaaska iyo inantiisa ayaa waxa loo adeegsaday sun khatar ah oo waxyeelaysa neerfaha, taasi oo Britain ay ku eedaysay in ruushku uu lahaa faramaynta suntan. Waxaana ay qaddiyaddani isku badashay  Dalal reer Galbeed ah, oo ugu horreeyo Maraykanku ayaa waxa ay diblumaasiyiin Ruush ah ka caydhiyeen dalalkooda, qaarna waxa ay waqti kooban u qabteen in dalalkoda kaga baxaan.

Dankiisana Ruushku waxa uu si aan ka laabasho lahayn iskaga fogeeyay masuuliyadda isku dayga dilka, isaga oo UK ku eedeeyay in aanay masuuliyad iska saarin baadhitaanka sumaynta basaaska iyo inantiisa.

Dawladda Ingiriiska ayaa eriday 23 diblumaasi, waxaana la joojiyay in qoyska boqortooyadyu ka qayb galaan xafladda furitaanka koobka adduunka ee sannadkan ka dhacay dalka Ruushka. Ruushka ayaa isna ugu jawaabay 23 diblumaasi oo Ingiriiska oo uu ka caydhiyay dalkiisa.

Dawladda Maraykanka ayaa dalkeeda ka caydhisay 60 diblumaasi oo iyaguna u dhashay dalka Ruushka. Waxaa kale oo iyaguna kusoo biiiray dagaalka diblumaasiyadeed dalal badan oo reer galbeed ah sida:

Albania – 2 diblumaasi
Sweden – 1 diblumaasi
Croatia – 1
Finland – 1
Italy – 2
Canada – 4
France – 4
Poland – 4
Latvia – 3
Germany – 4
Ukraine – 13

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga