Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Maraykenka ee pentagonka loo yaqaano ayaa fasaxday adduun lacageed oo dhan 1bn oo Dollar Waxa lagu maalgalinayaa darbi kala qaybin doona Maraykenka iyo mexico. Wasaarada ayaa ingineerada ciidanka ku amartay in ay dhisaan gidaar masaafo ahaan gaadhaya 98km oo ku dhereran xadka.

Ku simaha wasiirka difaaca Maraykenka Patrick Shanahan, ayaa sheegay in wasaaaraddisu ay awood u ledahay caawinta wasaradda ammaanka, si ay ula dagaalamaan mukhaadaraadka xuduudaha lagasoo galiyo dalka Maraykenka.

Shanahan ayaa kooxaha dhismaha ku amray in ay bilaabaan qorshaha mashruucan oo koobsanaya, gidaar uu oo joogiisu yahay 5m, wadooyin ay qaarkood ku dherenyihiin, iyo laydhadh lagu xidho deegaano xadka mexico ku yaala.

Mashruuca waxay wasaaraddu ugu yeedhay xayndaab yar, balse waxay sheegeen in aanu ahayn gidaar.

Dhismaha gidaar laga bineeyo xadka wadamada Maraykenka iyo mexico ayaa ka mid ahaa balanqaadyadii ugu waawaynaa ee madaxweyne donald trump uu ku galay Ololaha doorashadii Maraykenka ee sanadkii 2016-kii, balse dedaalada lagu dhisayay ayay curyaamiyeen xildhibaanada xisbiga dimuqraadiga oo Trump iska hor taagay dhismaha Darbiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga