Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu soo dhammaaday shirkii golaha midawga Afrika. Madaxweynaha ayaa shirka ka jeediyay khudba ku saabsan xaaladda Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa faahfaahin ka bixiyay safarka madaxweynaha, waxaana uu sheegay in shirkii ku soo dhammaday is afgarad.
Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay madaxweynayaal, raysal wsaarayaal iyo madaxda hay’ado caalami ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga