Madaxweynihii Hore Ee Dalka Zimbabwe Robert Mugabe Oo 94 Jir Ah Ayaa Socodka Tahli Waayay Kadib Xanuun Lasoo Darsay Sida Uu Warbaahinta U Shegay Madaxweynaha Hadda Talada Dalkaasi Haya Emmerson Mnangagwa.

Mugabe Ayaa Labadii Bilood Ee Lasoo Dhaafay Xaaladiisa Caafimaad Lagula Tacaalayay Dhakhtar Ku Yaala Wadanka Singapor, Ayuu Sii Raaciyay Hadalkiisa Madaxweyne Mnangagwa.

Robert Mugabe Ayaa Safaro Badan Oo Caafimaad Dibada Dalkiisa Ugu Baxay Markii Uu Xilka Kasii Dagayay.

Madaxweyne Emerson Mnangagwa Ayaa Qabanqaabinaya Iskusoobax Uu Kaga Warbixindoona Xaalada Caafimaad Ee Hogaamiyahan Caanka Ka Ahaa Qaarada Afrika.

“Hadda Wuu Gaboobay,Dabcan Ma socon karo Hadda Laakiin Wax Kasta Oo Uu Inooga Baahdo Waynu Samaynaynaa” Ayuu Yidhi Mnangagwa Sida Ay Ku Warantay Wakaalada Wararka Faransiiska Ee AFP.

Marii Uu Talada Hayay Ayaa Mugabe Ay Madaxdu Xusi Jirtay In Laga Dawayn Jiray Xanuun Indhaha Ka Asiibay, Isagoo Mugabe Dafiray In Uu Qabay Kansarka Indhaha.

Walaw aanu Socon Karin, Mugabe Ayaa La Filayaa In Todobaaadka Soo Socda Loo Qaado Zimbabwe Sida ay Dawladdu Sheegtay.

“Waa In Aynu Daryeelno, Waa aabaha Zimbabwe, Waa Shakhsiga Inoo Sameeyay Zimbabwida Xorta Ah Ee Maanta” Ayuu Yidhi Madaxweyne Mnangagwa.

Dawladda Zimbabwe Ayaa Bixisay Kharashka Ku Baxay Daawaynta Mugabe.

Madaxwyne Mugabe Ayaa 37-Sanno Hayay Talada Dalka Zimbabwe Isagoo Xilka Ka Tagay Kadib Markii Ay Milatariga Dakaasi La Waregeen Awoodda.

Mugabe Ayaa 1980-Kii Ra’iisal Wasaare Ka Noqday Dalkaasi, Isagoo 1987-Kii Madaxwyne Ka Noqday Zimbabwe, Isagoo Xilkan Baneyay Sanadkii Tagay Ee 2017.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga