Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Maanta Khudbad Sanadeedkii Dastuuriga Ahayd Ka Jeediyey Labada Gole Baarlamaan (Guurtidda Iyo Wakiiladda), Waxaanu Khudbadiisa Xooga Ku Saaray Amniga, Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshadda, Maamul Wanaaga Iyo Maamul Daadajinta, Garsoorka Iyo Cadaaladda, Abaaraha Isbedelka Cimiladda, Doorashooyinka Iyo Warbaahinta.

Madaxweynuhu Wuxu Sheegay In Boqolkii Cesho Ugu Horeeyey Oo Shalay Ku Beegnayd Ay U Suuro-Galeen Wax-Yaabo Badan Oo Aw Ku Tilmaamay In Uu Hagaajiyey Nidaamka Maamul Iyo Haykalkii Dawladnimo, Dardar-Galinta Heshiiska Dekedda Berbera, Oo Saamayn Weyn Ku Yeellan Doonta Dhaqaalaha Iyo Ganacsiga Somaliland.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga