Madaxweynaha dalka faransiiska, Emanual Macron ayaa ballan qaaday in dawladdiisu ay samayn doonto mushahar kordhin iyo in sidoo kale la dhimi doono cashuurta, si loo dajiyo Mudaharaadada maalmihii ugu danbeeyay gilgilay dalkan kuyaala qaarada yurub.

Mudahaaraadada Rabshadaha wata ayaa afar Wiig oo isaba Jooga ka socday Dalka faransiiska, iyagoo dadku ka cabanaya cashuurta shidaalka oo ay dawladdu kordhisay, maciishada oo kor u kacday iyo arimo kale.

Madaxweyne macron oo ka hadlayay khudbad lagasii daayay Talafishanka Ayaa Canbaareeyay Rabshadaha, isagoo intaa kusii daray in mushaharka la kordhin doono bil kasta marka la gaadho sanadka 2019.

Cashuur-kordhinta ay qoondaysay dawladda faransiisku si loo kordhiya dakhliga dadka hawlgabka ah oo hoos udhacay ayaa la joojiyay, iyadoo dadka shaqalaha ahina ay bixindoonaan cashuurta sanadka, sida uu markale sheegay madaxweyne macron.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Macron ayaa diiday inuu hoos u dhigo cashuuraha laga qaado dadka qaniga ah, isagoo ku dooday in arintaasi ay wiiqayso dhaqaalaha dalkiisa xili loo baahanyahay ayuu yidhi in shaqooyin la abuuro.

Mushaharka caadiga ah ayaa la kordhinayaa %70 iyadoo kharashka kordhintana ay dawladdu ka arrinsan doonto. wasiir ka tirsan dawladda macron ayaa tibaaxay in lacagta mushahar kordhintu ay qiyaaas ahaan gaadhi karto 80bn ilaa 10bn oo yuuro lacag u dhaxaysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga