Khubarada caafimaadka ayaa si wayn uga digay aaminaad la’aanta talaalalka ee bulshada caalamka oo ay ku tilmaameen tallaabo dib loo qaaday oo khatar ku ah daawaynta cudurada faafa.

Diraasad ay sameeyeen khubaradu oo noqonaysa tii ugu waynayd ee laga sameeyo talaalka, ayaa muujinaysa in gobolo badan oo caalamka ah ay hoos u dhacday kalsoonida lagu qabo talaalku.

Wellcome trust oo ah maxadka diraasadda sameeyay fadhigiisuna yahay magaalada london. Ayaa soo ururiyay natiijada xogta 140k oo qof oo ku kala sugan 140 dal oo caalamka ah.

Hay’adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa sidoo kale aaminaad la’aanta talaalka ee bulshada caalamka ku dartay tobanka khatarood ee uu wajahayo badqabka caafimaad ee dadku.

Talaalka ayaa ah mid ka mid ah hababka difaac ee looga hor-tagi karo cuduro badan oo faafa ama khatara, sida marar badan oo hore lagu cadeeyay baadhitaano cilmi oo heer sare ah. Balse dad badan ayaa shaki galinaya badqabka talaalka laftiisa, sida xog-ururintan la sameeyay ay muujinayso.

Diraasadda ayaa lagu cadeeyay tirada dadka aan aaminsanayn talaalka ee 140-ka wadan ee maxadku uuxogta ka keenay. Cudurada faafa ayaa ku badan wadamda aanay badi dadkiisu ku kalsoonayn talaalka.

Tusaale ahaan cudurka jadeecada oo kor u kacay sanadihii lasoo dhaafay ayay diraasaddu si gaar ah usoo qaadatay. Waddanka faransiiska oo %19 aanay dadkiisu ku kalsoonayn talaalka, waxay xogtu tilmaamaysaa in ay sare u kaceen kiisaska cudurka jadeecadda ee lagu arkay. Iyadoo dawladda faransiiskuna imika samaysay talaal si khsab ah ay u qadanayaan caruurtu.

Wadamada faqrigu ka jiro ayaa ugu badan wadmada aaminsan badqabka talaalka. Koonfurta ameerika dadku waxay %95 ku kalsoonyihiin talaalka, halka bariga afrikana ay xogtu tilmaamayso in %92 ay dadku qaataan talaalka.

Balse wadamada dakhligoodu uu sareeyo ayay ka jirtaa kalsooni-daradda lagu qabo talaalka, oo dacaayado badan laga faafiyay badqabkiisa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga