Dad ka badan 130 qof ayaa lagu dilay weerar ku Salasyan isir oo ka dhacay dalaka maali maalintii sabtida, sida ay sheegtay Qaramda midoobay.

Tuulada fulani oo dhacda xadka dalka Mali uu la leeyahay burkinafaso ayuu ka dhacay weerarka oo ay gaysteen ugaadhsato qabiil kale duulimaad ku ahaa.

Dumar iyo caruur ayaa ku jiray dadka lagu xasuuqay tuulada. Dad ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in ugaadhsato ka tirsan donzo ay si an kal go’ lahayn u laayeen tobanaanka qof oo kasoo jeeday qabiil ay is hayeen.

Tuulada uu weerarku ka dhacay oo ku caana Rabshadaha ayaana u dhaw xadka dalka maali uu la wadaago daka burkinaaso, iyadoo dadka deegaankuna ay u sheegeen wakaalada wararka ee AFP in ugaadhsatada duulimaadka ahaa ay dab sudheen dhamaan cooshadahii ku yaalay tuulada.

Ugaadhsata qabiilka donzo ayaa ka mid ah qabiilka bambara oo ah qabiilka ugu ballaadhan ee daga ee dalka mali.

Waxayna xurgufi kadhaxaysay qabiil kale oo lagu magacaabo fulani.
Labada qabiil ayaa ku muransan deegaanada qaar ay wada degaan, halkaas oo bilihii lasoo dhaafay ay dhex mareen dagaalo ay ku nafwaayeen tobanaan qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga