Ciidamo Ka Socda Midowga Sacuudiga Iyo Imaraatka Ayaa Qabsaday Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hudaida, Sida Ay Sheegeen Mas’Uuliyiin Milatari Ahi.

Dhinaca Kale, Waxaa Jira Warar Sheegaya In Ciidamadani Ay Kusii Jeedaan Dekadda Magaaladda Hudaida Oo Ay Hadda Gacanata Ku Hayaan Xuutiyiinta Ka Dagaaladda Yeman.

Dagaalkan Culus Ee Kasoo Cusboonaaday Dalka Yeman Ayaa Waxaa Ku Dhintay Ugu Yaraan 39 Qof Ilaa Khamiistii, Oo Ay Ka Mid Yihiin 30 Qof Oo Ka Tirsan Fallaagada Xuutiyiinta Yeman.

Magaaaladda Hudaida Waxay Hoy U Tahay 600,000 Oo Qof Iyo Dekad Ka Mas’Uul Ah Boqolkiiba 70 Soo Dejinta Badeecadaha Soo Gala Dalka Yeman,

Golaha Ammaanka Ee Qm Ayaa Muujiyay “Dareen Qoto Dheer” Oo Ku Saabsan Dagaalka Ka Socda Yeman Iyo Khatarta Macluusha Baahsan Ee Ka Jirta Dalka.

Lataliyaha Gaarka Ergayga Qm Ee Ka Hortagga Xaaladaha Bina’aadanimo, Ayaa Sheegay In Weerarka Hudaida Uu Kor U Qaadi Karo Halista Macaluusha.

In Ka Badan 22 Milyan Oo Qof Oo Reer Yemen Ah Ayaa U Baahan Gargaar, Oo Ay Ku Jiraan 8.4 Milyan Oo Halis Ugu Jira Inay Gaajo U Dhintaan, Sida Ay Sheegtay Qaramada Midoobay, Taas Oo U Muuqata In Ay Yemen Ka Jirto Dhibaatada Bini’aadanimo Ee Ugu Xun Dunida.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga